Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab iyo ciidamada AMISOM oo ku dagaalamay Ceelasha Biyaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey Al-Shabaab iyo ciidamada AMISOM  oo xalay ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee gobolka Sh/Hoose.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidanka AMISOM ay ku leeyihiin xaafadda Arbacow.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in weerarka kadib uu iska hor imaad toos ah oo daqiiqado socday uu ka dhacay halkaasi.

Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba.

Xaaladda ayaa saaka degan, balse ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay duleedka deegaanka Ceelasha Biyaha ee gobolka Sh/Hoose.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this