Sign in to follow this  
Deeq A.

Cumar Filish oo la kulmay hoggaanka ururada bulshada rayidka

Recommended Posts

Deeq A.   

Duqa magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay hoggaanka ururada bulshada rayidka ee magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ka dhacay hoyga guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Waxaa sidoo kale si gaar ah diirada loo saaray sidii ay ururada bulshada rayidka ah qeyb uga noqon lahaayeen doorashada soo socota ee 2020/2021.

Guddoomiyaha ururada bulshada rayidka Tahliil Shaatax oo kulanka ka hadlay ayaa ugu horreyn u mahadceliyey Cumar Filish, wuxuuna tilmaamay inay muhiim yihiin kulamada noocaan oo kale ah.https://assets.bilsyndication.com/ads/responsive/m3.html

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay diyaar u yihiin inay qaataan doorkooda ku aadan wada-hadallada doorashada ee ka socda magaalada Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this