Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe oo amray in baaritaan lagu sameeyo Qaraxii Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan deg deg ah la qaatay Sarakiisha Hay’adaha Amniga Maamulkaas kadib Qaraxii shalay ka dhacay kismaayo.

 Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Saraakiisha Laamaha Amniga  faray in ay keenan baaritaanada dhacdooyinkii u danbeeyay ee dhinaca Amniga ah oo uu ugu danbaysay qaraxii Shalay ka dhacay Kismaayo.

Sidoo kale wuxuu amar ku bixiyay in  Ciidamada Nabad sugida iyo Booliska Jubaland ay dardar galiyaan howlgalada sugida nabadgalyada muwaadiniinta isagoo xusay in loo baahan yahay feejignaan dheeri ah.

Madaxweyne Axmed Madoobe waxaa uu sheegay in howlgalada ka dhanka ah Al-sahbaab ay sii socon doonan islamarkaana la adkayn doono Amniga guud ee Jubaland.

PUNTLAND POST

The post Axmed Madoobe oo amray in baaritaan lagu sameeyo Qaraxii Kismaayo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this