Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno ka tirsan Al-shabaab ku sugan Galgala oo u gudbay dhinaca Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar hoose oo soo baxay, ayaa xaqiijinaya in xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ee ku sugan buuraleyda Galgala ay todobaadkii hore u gudbeen dhinaca Somaliland.

Xubnaha Al-shabaab, oo ay ku jiraan saraakiil, balse aan tiradooda rasmiga ah la xaqiijin, ayaa si gaar-gaar ah todobaadkii hore ugu gudbay dhinaca Somaliland, iyagoo aan hubaysnayn, islamarkaana dhar shacab xiran, sida ay Puntland Post u xaqiijiyeen ilo dhanka Amniga ah.

Waxaase adag in xog sugan laga helo ujeedka xubnaha Al-shabaab iyo halka ay u socdeen, marka laga reebo wararka xaqiijinaya in ay galeen dhinaca Somaliland.

Warkan ayaa ku soo beegmay, xilli Kooxaha Al-shabaab iyo Daacish ee ku sugan buuraleyda Gobolka Bari, ay todobaadyadii u dambeeyay culays xooggan kala kulmeen hawlgallada Ciidamada Difaaca Puntland ay ka wadaan Gobolkaasi.

PUNTLAND POST

The post Xubno ka tirsan Al-shabaab ku sugan Galgala oo u gudbay dhinaca Somaliland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this