Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Wararkii Ugu Dambeeyey ee Shirkii Lagu Balansanaa ee Farmaajo iyo Dowlad Goboleedyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa maanta lagu balansanaa in Muqdisho lagu qabto shirkii looga arrinsan lahaa arrimaha doorashada 2020/2021 ee dhexmari lahaa dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada.

Shirkan oo 2 jeer horay u baaqday ayey aheyd inuu furmo si loo ambaqaado natiijadii shirkii Dhuusamareeb 3 iyo wax kabedelkiisa.

Wararka ugu dambeeyey ayaa sheegaya in ay safar aadeen madaxweyneyaasha Galmudug Axmed Qoorqoor iyo Jubbaland Axmed Madoobe, taasi oo shaki gelin karta furitaanka shirka.

Qoorqoor ayaa shirar kala duwan saacadihii tagay ku lahaa magaalada Nairobi, lamana oga xilliga uu soo laaban doono, waxaa kale oo Kismaayo dib ugu laabtay Axmed Madoobe si uu ula socdo qaraxii Jimcaha iyo arrimo kale.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this