Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku dhintay qarax ka dhacay Gaarisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Booliska dalka Kenya ayaa sheegay in saddex dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab ay dhinteen, halka afar kalena ay dhaawacmeen, kadib markii ay la qaraxday miino ay ku aasayeen wado aada magaalada Garissa ee gobolka Waqooyi Bari ee wadankaasi.

Rono Bunei oo ah taliyaha ciidamada Booliiska ee gobolka Waqooyi Bari ayaa xusay in miinada ay raggaasi kula qaraxday deegaanka Fafi xilli ay doonayeen inay weerar miino fuliyaan.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamo ka tirsan Booliiska Kenya ay gaareen goobta, islamarkaana ay soo arkeen halka uu ka dhacay qarax ay ku waxyeeloobeen xubno ka tirsan Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigaye

 

Xarakada Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro xoogan ka fulisa gudaha Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this