Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Madaxda K/Galbeed, HirShabelle & Puntland oo kulan yeeshay

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa xalay hoyga uu ka dagan yahay magaalada Muqdisho ku marti-qaaday madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland iyo HirShabelle.

Kulankan saddex geesoodka ah oo saacado badan qaatay ayaa waxaa diirada lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021.

Sidoo kale madaxda ayaa isla soo qaaday arrimo ku aadan shirka wada-tashiga Muqdisho oo markale dib u dhacay iyo qodobo kale.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa haatan ka socda kulamo siyaasadeed oo gaar gaar ah, kuwaas oo looga arrinsano marxalada kala guurka ah ee uu dalku ku jiro.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa sii cakirantay wixii ka dambeeyey markii la riday Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Mudane Xasan Cali Khayre.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

119132620_659065341396773_9113286117172797409_o 118957382_659175818052392_6539370551596639385_n 119117158_659175854719055_8848034799024948486_n

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this