Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaawo Maxamed Xasan oo xabsiga laga sii deynayo kadib kiiskii caanka ahaa ee 2011

Recommended Posts

Deeq A.   

Minneapolis (Caasimada Online) – Garsoore federal oo Mareykan ah Michael Davis ayaa Khamiistii amray in xabsiga laga sii daayo haweeney 73 jir Soomaali ah oo sanadii 2011 xabsigi loogu xukumay inay taageero siisay kooxda Al-Shabaab.

Xaawo Maxamed Xasan ayaa qorshuhu ahaa in lasii daayeo bisha Janaayo ee 2021, hase yeeshee garsoore Davis ayaa sheegay inay u qalanto in goor hore lasii daayo, sababo ay ka mid yihiin xaaladdeeda caafimaad oo sii xumaaneysa iyo faafitaanka cudurka COVID-19.

Waxa uu sheegay in Xaawa ay qabto cuduro dhowr ah oo dhiig-karka uu ka mid yahay.

“Eedeysanaha waxay ku doodday in xaaladahan caafimaad ay yihiin halis muuqata oo sare u qaadi kara in nolosheeda ay halis gasho haddii uu ku dhaco cudurka COVID-19,” ayuu yiri garsoore Davis.

Davis ayaa sidoo kale ku dooday inay u badan tahay inaysan dib u gelin dambigii horey loogu xiray marka la eego da’deeda.

Xaawo ayaa waxa ay ku xiran tahay xabsiga Hazelton ee gobolka West Virginia.

Xaawo, oo ah muwaadin Mareykan ah, iyo Aamina Faarax Cali ayaa 2011 lagu helay dambi ah inay taageero siiyeen kooxda Al-Shabaab, ayaga oo lacag ka ururiyey magaalada Rochetser ee gobolka Minnesota.

Xaawo ayaa waxaa lagu xukumay 10 sano oo xabsi ah, halka Aamin lagu xukumay 20 sano.

Kiiska Xaawo ayaa sanadii 2011 noqday kiis aad looga hadaly hayey warbaahinta Mareykanka, ayada oo lasoo bandhigay codad looga duubay taleefonka oo ku caddeynaya dambiyada lagu soo oogay.

The post Xaawo Maxamed Xasan oo xabsiga laga sii deynayo kadib kiiskii caanka ahaa ee 2011 first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this