Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah-faahin: Hoobiyeyaashii lagu garaacay Muqdisho iyo booliska oo ka hadlay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir caawa waxaa lagu garaacay hoobiyeyaal mudo daqiiqado gudahood ah, kuwaas oo illaa hadda aan la garaneyn meel laga soo riday.

Hoobiyaashan ayaa ku dhacay meelo ka mid ah degmooyinka Xamar-jajab, Waaberi, Boondheere, Warta-nabadda, Wadajir iyo Shangaani, oo ka wada tirsan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Sawirro iyo laga soo qaaday qaar ka mid ah goobihii ay ku dhaceen madaafiicdaas ayaa muujinaya burbur soo gaaro xaafado ay dad deganaayeen.

Illaa hadda lama soo werin wax khasaare nafeed ah, dowladuna waxay madaafiicdaas ku tilmaantay kuwo dheemish ah oo aan wax khasaare ah geysan, isla markaana ay qalqal ammaan ku abuurayeen Al-Shabaab.

Afhayeenka wasaaradda warfaafinta Ismaaciil Mukhtaar Oronjo ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-kiisa ku yiri  “Abaare 20:20 fiidnimo ayeey argagixisadu sameeyeen arbushaad, Iyagoo Baaruud dheemish ah oo ay Bacyo kusoo qariyeen dhigay Xaafado Magaalada Muqdisho ka tirsan, Kuwaas oo lahaa dhawaaqa Qarax laakiin aan geeysanin wax qasaare dhimasho ama dhaawac ah.”

Sidoo kale afhayeenka booliska Soomaaliya Gaashaanle Sadiiq Doodishe ayaa isna qoraal uu soo saaray ku yiri, “Abaare 20:20 fiidnimo ayeey argagixisadu sameeyeen arbushaad dheemish ah, oo leh dhawaq Qarax laakiin aan geeysanin wax qasaare ah.”

Hoobiyeyaashan ayaa gaarayey ku dhawaad toban dhamaantoodna waxay dhaceen daqiiqado kooban gudahood, wixii intaas ka dambeeyana inta badan magaalada waxaa laga dareemayaa feejignaan dheeri ah oo la geliyay ciidamada ammaanka.

Muqdisho waxaa ku wada sugan dhamaan shanta madaxweyne goboleed ee dalka oo u yimid ka qeyb galka shir looga tashanayo arrimaha doorashooyinka dalka, balse gudaheeda ayey caawa Al-Shabaab ka tooreen ku dhawaad 10 hoobiye.

Sanadkii 2012-kii ayaa magaaladan laga xoreeyay Al-Shabaab, balse sideed sano kadib 2020 ayey weli khal-khal ammaanka ka wadaan gudaha caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

2a415ac8-cd6d-47ad-a37d-299638fbeddf.jpg c9c4bee6-a28f-4129-b257-b38e360b7f35.jpg ed8ea932-43dc-4d60-99c1-1b7c4cd32915.jpg edfccc23-f2c7-465a-8eb6-ad1722effeb1.jpg f17a0d53-229e-43d6-9ada-7b3d3f367a8d.jpg fd483775-bca6-44a0-8114-059df493bced.jpg

The post Faah-faahin: Hoobiyeyaashii lagu garaacay Muqdisho iyo booliska oo ka hadlay first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this