Sign in to follow this  
Deeq A.

 Fadeexad Weyn:Dawlada Somalia oo Kaalinta Koowaad ka gashay  Musuqmaasuqa Kharashkii & Agabkii loogu talo galay la dagaalanka Covid19…

Recommended Posts

Deeq A.   
  Dawlada Somalia oo Kaalinta Koowaad ka gashay  Musuqmaasuqa Kharashkii & Agabkii loogu talo galay la dagaalanka Covid19…
 who.jpg

Sida ay sheegtay Warbixin ay daabacday heyadda WHO dalalka Kenya, Zimbabwe, Uganda, Soomaaliya iyo Nigeria ayaa safka hore kaga jira kiisaska musuq-maasuq ah ee lagu sameeyey qalabka iyo kharashkii loogu tala galay la dagaalanka cudurka Coronavirus.

Sidoo kale waxaa warbixinta lagu cadeeyay inay jiri karaan dalal badan oo kale oo ku kacay musuqmaasuqa lacagtii ay hey’addu ugu tala gashay la dagaalanka cudurka COVID-19.

Agaasimaha guud ee ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) Tedros Adhanom ayaa sheegay in musuqmaasuqa qalabka badqabka shaqaalaha caafimaadka uu lamid yahay dil.

“Heer kasta ama nooc kasta oo musuq maasuq lama aqbali karo. Si kastaba ha noqotee, musuq maasuqa la xidhiidha qalabka badqabka shaqaalaha caafimaadka aniga ahaan runtii waa dil. Sababtoo ah, haddii shaqaalaha caafimaadku shaqeeyaan bilaa qalab, wuxuu khatar galineynaa noloshooda taasna waxay sidoo kale halis gelineysaa nolosha dadka ay u adeegaan. Marka waa dambi waana dil” ayuu yidhi Dr. Tedros Adhanom.

Siyaasiyiin ka tirsan Mucaaradka ayaa horey ugu eedeeyey dowlada Somalia gaar ahaan Wasaarada Caafimaadka iney musuqday qalabkii iyo dhaqaalihii loogu talo galay la dagaalanka cudurka Coronavirus inkastoo dowladu iska fogeysay eedeyntaas.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this