Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya Iyo Dalal Kale Oo Afrikaan Oo Safka Hore Ka Galay Musuq Maasuqa Dhaqaalaha COVDI 19

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Kampala)-Kenya, Zimbabwe, Uganda, Soomaaliya iyo Nigeria ayaa lagu tilmaamay inay safka hore kaga jiraan kiisaska musuqmaasuq ee bililiqaysiga lacagaha Covid-19 ee caalamka ugu deeqay.

Waxaa laga cabsi qabaa in dalal badan oo kale ay soo ifbaxaan sida ay sheegayan baadhitaanka iyo macluumaad dheeri ah oo soo ifbaxaya.

Agaasimaha Guud ee Ururka Caafimaadka Adduunka Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa la simay musuqmaasuqa qalabka badqebka shaqaalaha caafimaadka inuu lamid yahay dil.

“Heer kasta ama nooc kasta oo musuqmaasuq lama aqbali karo. Si kastaba ha noqotee, musuqmaasuqa la xidhiidha qalabka badqebka shaqaalaha caafimaadka aniga ahaan runtii waa dil. Sababtoo ah, haddii shaqaalaha caafimaadku shaqeeyaan bilaa qalab, waxaan khatar galineynaa noloshooda taasna waxay sidoo kale halis gelineysaa nolosha dadka ay u adeegaan. Marka waa dambi waana dil, ”Dr Ghebreyesus ayaa yidhi.

Hay’adda caafimaadka adduunka waxay sheegtay kiisaska ilaa iyo hadda la ogaaday xatooyadooda iyo leexsiga lacagta gargaarka ee loogu talagalay dadka nugul ay kor u dhaaftay balaayiin doollar.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this