Sign in to follow this  
Deeq A.

4ta-Dal ee ku yaal Qaarada Afrika ee Shiinuhu doonayo inuu saldhig milatari ka sameysto?

Recommended Posts

Deeq A.   

4ta-Dal ee ku yaal Qaarada Afrika ee Shiinuhu doonayo inuu saldhig milatari ka sameysto?

china.jpg

Shiinaha ayaa ka fekeraya in saldhig milatari uu ka sameysto afar dal oo Afrika ku yaalla, sida laga soo xigtay Waaxda Difaaca Mareykanka.

Kenya, Seychelles, Tanzania iyo Angola iyo kuwo kale ayaa la sheegay inuu Shiinuhu doonayo inuu xarun milatari ka sameysto.

Afartan dal ayaan weli ka hadlin arrintaas.

Warbixinta oo ay waaxdu soo saartay toddobaadkii hore ayaa aad la iskula dhex marayay.

“Marka laga soo tago saldhigga uu hadda ku leeyahay Jabuuti, Shiinaha wuxuu aad ugu muuqdaa mid ka fekeraya inuu xarumo kale oo milatari sameysto si ay u taageeraan ciidamada cirka, badda iyo dhulka,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Waxaa sidoo kale warbixinta lagu sheegay in Shiinaha uu ka fekeray inuu saldhigyo milatari ka sameysto dalalka Myanmar, Thailand, Singapore, Indonesia, Pakistan, Sri Lanka, Imaaraatka Carabta, Kenya, Seychelles, Tanzania, Angola, iyo Tajikistan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this