Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar isqarxina oo lala beegsaday Ciidamada Maraykanka & Kuwa Somalia+20 dhimasho ah & Xoggo kale

Recommended Posts

Deeq A.   

Weerar isqarxina oo lala beegsaday Ciidamada Maraykanka & Kuwa Somalia+20 dhimasho ah & Xoggo kale

qarax.jpg

Qarax baabuur lagu soo xidhay ayaa lala bartilmaameedsaday xero ay deggan yihiin ciidamada Danab ee Soomaaliya ee uu Mareykanku tababaray iyo kuwa Mareykanka oo ku taalla deegaanka Janaay Cabdalle oo magaalada Kismaayo 55km dhanka waqooyi kaga beegan.

War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxaasi ay ku dhinteen afar askari oo Mareykan ah iyo 16 kale oo kuwa Soomaaliya ah.

Dhanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka weli kama aysan hadlin weerarkaas iyo sheegashada Al-Shabaab ee ah in tiradaas ay ku dhimatay.

Weriyaha BBC-da Ibraahim Maxamed Aadan ayaa sheegay in dadka deegaanka laga soo xigtay in weerarkaas kaddib ay arkeen helikobtarro ku degaya xerada.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this