Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe oo ka hadlay khilaafka labada Aqal ee BF Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Hoggaamiyaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa markii ugu horreysay si faah-faahsan uga hadlay khilaafka u dhexeeya labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, wuxuuna sheegay in wada-shaqeyn la’aanta Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ay sii xoojisay khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka.

Axmed Madoobe ayaa xusay inay muhiim tahay in la ballaariyo shirka wada-tashiga magaalada Muqdisho, islamarkaana loo baahan yahay inay ka soo qeyb-galaan xubno ka tirsan labada gole ee baarlamaanka, siyaasiyiinta mucaaradka, dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe, si xal mideysan looga gaaro doorashooyinka soo socda ee 2020/2021.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in sababta ay u yimaadeen Muqdisho isaga iyo Siciid Deni ay tahay tanaasul ay sameeyeen, si looga heshiiyo arrimaha doorashada.

Hadalkan ayaa Madaxweynaha Jubbaland wuxuu shalay ka sheegay kulanka Golaha Aqalka Sare Soomaaliya, isaga oo halkaasi ka jeediyey khudbad uu uga hadlay xaaladda dalka, arrimaha Jubbaland, safarkiisa Muqdisho iyo qodobo kale oo ku aadan doorashooyinka.

Arrimahan oo idil waxay ku soo aadaya, xilli weli aysan si rasmi ah u bilaaban wada-hadallada u dhexeeya dowladda dhexe, iyo dowlad goboleedyada oo la doonayo in heshiis dhameystiran looga gaaro sida loo wajahayo doorashada Soomaaliya ee 2020/2021.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this