Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Jubaland iyo DANAB oo fashiliyay gawaari qaraxyo siday

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Daraawiishta Jubaland, oo ay weheliyaan kumaandooska Dowladda Federaalka ee Danab, oo dhawaan la waregay Degaanka Jannaay-cabdalle oo qiyaastii magaalada kismaayo 60 km u jirta, waxay halkaasi wadaan howlgallo ka dhan ah Al-shabaab, si ay u xaqiijiyaan Amniga Degaanka.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa, ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamadu ay qabteen gaari susuuki ah midabkiisuna yahay Madoow oo Al-shabaab ka soo buuxiyeen Walxaha qarxa, isla markaana doonayeen ineey uga fuliyaan Magaalada Kismaayo.

Sidoo kale, Saraakiisha waxaa ay sheegeen in Gaari Hoomeey oo isna qaraxyo lagu soo raray ayay ku qabteen duleedka Degaanka Jannaay-cabdalle, halkaasna ay ku burburiyeen.

Ugu dambeyntii, waxay Ciidamadu Degaanka janaay-cabdale ka soo saareen 18 miino oo Al-shabaab ay ku aaseen wadooyinka, sidoo kalena Ciidamada weli Degaankaas ay ka wadaan howlgallo kala duwan.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada Jubaland iyo DANAB oo fashiliyay gawaari qaraxyo siday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this