Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Axmed Madoobe oo la kulmay guddoonka Aqalka Sare

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa barqanimadii maanta tegay xarunta Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, halkaas oo uu haatan kulan kula leeyahay guddoonka sare ee Golahaasi.

Axmed Madoobe iyo guddoomiye Cabdi Xaashi oo uu wehliyo ku xigeenkiisa labaad ayaa haatan leh kulan xasaasi ah, kaas oo looga hadlayo arrimo dhowr ah.

Wararka ayaa sheegaya in kulankan intiisa badan looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashada ee 2020 illaa 2021-ka.

Kulanka kadib Madaxweynaha dowlad gogboleedka Jubbaland ayaa ka qeyb-galay kulanka Aqalka Sare oo haatan socda, isaga oo khudbad u jeedinayo Senatorada Golahaasi.

Waxaa Axmed Madoobe ka horreeyey oo Aqalka Sare tegay Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Deni oo isna warbixin laga dhageystay.

FB_IMG_1599383835213-696x464-1 118947130_687217378859834_7793193841852580280_o 118964304_2740569296212381_5844801868291144476_n

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this