Sign in to follow this  
Deeq A.

Weriyaal lagu xiray Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   
Weriyaasha.png?resize=486%2C364&ssl=1

Agaasimaha Radio Daljir Xarunteeda Garoowe, Khadar Cawl Ismaaciil iyo weriye Cabdiqani Axmed Maxamed (Fantaastik), oo isna ka tirsan Idaacadda Daljir, ayaa Maanta lagu xiray Magaalada Garoowe.

Labada suxufi, ayaa xabsiga la dhiga xilli ay doonayeen, in ay Maxkamadda Garoowe su’aalo ka weydiiyaan cabasho ka soo yeertay Qoyska Marxuumad Hodon Shanlayste, oo Shalay dhaliil u jeediyay Hannaanka Caddaaladeed ee Maxkamadda.

Qoyska Hodon Axmed Maxamed , waxay cabasho ka muujiyeen Go’aankii Maxkamadda Garoowe ku sii daysay lix nin oo ku eedaysnaa kiiskii Marxuumadda, kuwaas oo sida Maxkamaddu sheegtay wax dambi ah lagu waayay.

Hodon Shanlayste, waxay ahayd gabar xaas ah oo Garoowe kufsi iyo dil loogu gaystay 10-kii April 2019, islamarkaana mudda sannad iyo laba bilood ah Kiiskeedu soo jiitamayay.

PUNTLAND POST

The post Weriyaal lagu xiray Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this