Sign in to follow this  
Deeq A.

Saciid Deni Iyo Axmed Madoobe Oo Laba Arrimood Kaga Guulleystay Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Madaxweynayaasha maamulllada Puntland iyo Jubbaland ayaa Madaxweyne Farmaajo kaga guulleystay laba qodob oo halis ku ah siyaasadisa, kadib tanaasullo uu sameeyay 24-kii saacadood ee ugu danbeeyay, iyadoo aan si rasmi a loo furin shirkii la filayey inuu dhex maray saddexda dhinac.

Qorshaha Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ahaa in Madaxweyne Farmaajo kulan saddex geesood ah la yeesho Saciid Cabdillaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam, isagoo kala doodaya waxa ay ka qabaan Heshiiska Doorashada ee Dhuusamareeb 3.

Kadib markii ay tallooyinkooda soo jeediyaan, shir kale Madaxweyne Farmaajo isugu yeedho madaxda saddex Maamul Gobolleed ee saxeexay Heshiiskii Dhuusamareeb 3, taasoo keeni lahayd inay iska hor yimaadaan maamul Goboleedyada.

Xaaladii ayaa is bedeshay, waxaana Saciid Deni iyo Axmed Madoobe la yimaadeen Qorshe sababay inay burburaan kaadhadhkii siyaasadeed ee uu ciyaarayey Madaxweyne Farmaajo.

Waxaa marka hore ay diideen inuu furmo kulankii ay rabtay Madaxtooyada, waxayna la yimaadeen shuruudo ay ka mid yihiin: arrinta Gobolka Gedo iyo in shirka ay ku soo biiraan madaxda maamul Goboleedyada kale.

Madaxweyne Farmaajo oo waqti ku socdo, lagana sugayo inu soo magacaabo Ra’iisul wasaare wuxuu aqbalay inuu wada-xaajood ka galo arrinta Gobolka Gedo iyo inuu casuumo madaxda Maamul Goboleedyada kale.

Qodobka labaad ayaa ka dhigan Shirkii Dhuusamareeb 3 oo dib loo qabanayo iyo in Madaxweyne Farmaajo uu fara-madhnaan ka joogo wixii uu ka soo ansixiyey madaxda ka qeyb gashay shirkii Dhuusamareeb 3

Haddii si kale loo dhigo waxaa halis ku jira labadii arrimood ee ugu waaweynaa mustaqbalka siyaasadda Madaxweyne Farmaajo oo kala ah dib doorashadiisa oo mugdi ku jiro iyo dadaalkii uu ku bixiyey Gobolka Gedo oo natiijo la’aan ah.

Heshiiskii DHuusamareeb 3 ee madaxda ka maqan la sugi waayey, waxay natiijadiisii noqotay in toddobaadyo kaddib in la soo bilaabo, iyadoo markan aanu waxba yeedhin karin ee lagu dhegan yahay.

Madaxweyne Saciid Cabdillaahi Deni iyo Axmed Madoobe waxay si weyn u barteen, una daraaseeyeen Qorsheyaasha Madaxweyne Farmaajo waxaa muujinaya sida ay Beesha Caalamka uga faa’iideysteen iyo siduu u shaqeeyay qorshihii ay wateen oo hadda u nqoday guul siyaasadeed.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this