Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka Oo Qabtay Nin Soomaali Oo Loo Haysto Inuu Dil Ka Geystay Minnesota

Recommended Posts

Deeq A.   

Maraykanka ayaa gacanta ku dhigay nin Soomaali ah oo la sheegay inuu dil ka geystay gobolka Minnesota.

Saraakiisha Cashuuraha iyo Xuduudaha Mareykanka ee garoonka diyaaradaha ee Dulles ayaa qabtay ninkaan isagoo isku dayayay inuu raaco diyaarad u socota Turkiga isagoo kusii jeeda Soomaaliya.

Saciid Sharif Maye ayaa lagu soo oogay dacwad la xidhiidha shil baabuur oo dhacay 24-kii bishoo hore, shilkaas oo uu ku geeriyooday Idris Ali Yussuf, oo 31 jir ahaa.

Sida laga soo xigtay waaxda Kastamka Mareykanka iyo Ilaalinta Xuduudaha, Maye waxaa xabsiga loo taxaabay 28-kii Ogosto isagoo isku dayayay inuu u raaco diyaarad u socota Turkiga si uu ugasii gudbo Soomaaliya.

Casey Durst, Agaasimaha Waaxda Howlgallada ee Baltimore, ayaa sheegay Xadhigani inuu muujinayo sida howlgalka amniga xuduudaha ee Kastamka iyo Ilaalinta Xuduudaha ay u taageeraan la-hawlgalayaashooda sharci fulinta iyadoo la qabanayo dadka baxsadka ah ee la sheegay in ay ka cararayaan dacwad oogista.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this