Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Degmada Yaaqshiid oo Ka Warbixiyey Toogasho iyo Israsaaseen Ka Dhacday Degmada

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa ka warbixiyey toogasho iyo israsaaseen xalay saqdii dhexe ka dhacday degmada , kadib markii ay isku dhaceen ciidamada iyo rag hubaysanaa sida aan ku helayno  wararka.

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada ee degmada  Cabdullaahi Shiilow ayaa sheegay in ay israsaaseentu imaatay kadib markii ciidamadu ka war heleen sedex nin oo miino ku aasayey wado kamid xaafadda Suuq-bacaad.

“Sedex nin oo ku hubeysan Bastoolado  isla markaana xambaarsan miinooyinka war lagu qarxiyo, ayaa waxaa xogtooda helay xiidamada Nabad-sugidda ee degmada Yaaqshiid. Markii ay xogta heleen ciidamadu waxaa ay u dhaqaaqeen howlagal, waxaana israsaaseen ay dhex martay ciidamada iyo raggii miinooyinka xambaarsanaa waxaana goobta ku geeriyooday mid ka mid ah ragii, waxaana la helay miinooyinkii” ayuu yiri Shiidoow.

Miinooyinka lagu aaso intaba wadooyinka magaalada caasimadda ah Muqdisho ayaa waxaa badan la la eegtaa gawaarida ay wataan mas’uuliin ka tirsan dowladda, wolow mararka qaar ay dhaqdo in ay dad shacab ah wax ka soo gaaraan, xalay fiidkii hore miino la geliyey agagaarka Sayidka ayaa waxaa uu dhaawac ka soo gaaray labo ruux.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this