Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo hortagaya Golaha Aqalka Sare

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta hortegaya guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayaa warbixin ka jeedin doono xarunta Aqalka Sare, taas oo uu uga hadlayo arrimaha Jubbaland, xaaladda dalka iyo safarkiisa magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa sidoo kale farriin u diray Senatorada, isaga oo ku war-geliyey in kulanka maanta uu ka soo qeyb-geli doono Madaxweynaha Jubbaland.

Maalin ka hor ayey aheyd markii Aqalka Sare uu tegay Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni, kaas oo khudbad xasaasi ah u jeediyey xildhibaanada Golahaasi.

Arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyada oo weli uusan si rasmi ah furmin wada-hadallada u dhexeeya dowladda dhexe, Jubbaland iyo Puntland, bals waxaa haatan la filayaa inay ku soo biiraan Madaxweynayaasha maamullada HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this