Sign in to follow this  
Deeq A.

Natiijada imtixaanka dugsiyada sare oo maanta lagu dhawaaqayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare ee dalka ayaa maanta shaacinaysa natiijiyada imtixaanka dawliga ah ee dugsiyada sare oo sanadkan ay ka qaybgaleen arday ka badan 34-kun oo arday oo kala jooga Jubbaland, koofur-galbeed, Hirsahbeelle, Galmudug iyo gobolka Banaadir.

Munaasabadda shaacinta natiijada imtixaanka oo ay ka qaybgalayaan madaxda wasaaradda waxbarashada dalka iyo mas’uuliyiin kale ayaa dhawaan ka furmaysa xarunta Akademiyadda cilmiga fanka iyo suugaanta ee magaalada Muqdisho.

Imtixaanka dawliga ah ee dugsiyada sare oo la qaban jiray bisha May sanad kasta ayaa sanadkan dib ugu dhacay xayiraadaha ka dhashay COVID-19, dartiis.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this