Sign in to follow this  
Deeq A.

Khadar oo guddoomiyey shirka looga hadlayey arrimaha shidaalka dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirka waxaa ka qaybgalay sii hayaha wasiirka batroolka iyo macdanta dawladda FS Cabdirashid Maxamed Axmed, sii hayaha wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, sii hayaha wasiirka cadaaladda, mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda qorshaynta, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Badroolka Soomaaliya Ibraahim Cali Xuseen iyo mas’uuliyiin kale.

Waxaa shirka looga hadlay xoojinta ahmiyadda ay dawladda Soomaaliya siinayso ka faa’iidaysiga khayraadka dalka, iyo sidii tallaabooyin horukac leh looga samayn lahaa arrinkan horraanta sanadka 2021-da.

Sidoo kale Sii hayaha Ra’iisal wasaaraha dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay inay xukuumaddu ka shaqaynayso khayraadka dabiiciga ah ee dalka oo laga faa’iidaysto,iyadoo loo marayo hab faa’iido u leh dhaqaalaha iyo horumarka bulshada.

Sharciga batroolka dalka oo dhaqangal oo taaba gal noqday bilowgii sanadkan ayaa wasaaradda batroolka iyo macdanta fursad u siiyey inay qaado tallaabooyin muhiim ah oo ku aadan in la xoojiyo sahanka shidaalka badda ku jira.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this