Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo afar qof ku toogtay gobolka Jubbada Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Xarakada Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay afar qof ku toogatay degmada Saakow oo ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe ee koonfurta Soomaaliya.

Fagaaraha lagu toogtay raggaasi ayaa waxaa ku sugnaa xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo dadweyne fara badan.

Al-Shabaab ayaa afarta qof ee ay toogteen ku eedeeyey inay basaasiin u ahaayeen dowladahaSoomaaliya, Kenya iyo Mareykanka.

Halkan hoose ka aqriso magacyada:-

1 Maxaamd Aadan Xassan (Maxamad Kheyr) oo 51 jir ah laguna eedeeyay inuu la shaqeynayay Sirdoonka Mareykanka

2- Cusmaan Faarax Dhaqane oo 27 jir ahaa oo lagu eedeyay in uu la shaqeynayay Sirdoonka Soomaaliya

3- Cali Cabdiraxmaan Cabdi, oo 33 jir ahaa oo lagu eedeeyay in uu la shaqeynayay Sirdoonka Soomaaliya.

4- Cabdi Sahal Dhabbar (Cabdi Xarqi) waa ninkii ugu da’da weynaa oo ahaa 57 sano jir ayaa lagu eedeeyay in uu la shaqeynayay sirdoonka Kenya.

Al Shabaab ayaa dilal toogasho ah ku fuliya dad kala duwan oo ay ku eedeeyaan inay xiriir la leeyihiin Maamulada dalka ka jira iyo Dowladaha reer Galbeedka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this