Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo, Axmed Madoobe Iyo Deni Oo Kulan Gaar Ah Yeelanaya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Magaalada Muqdisho ayaa Maanta oo sabti ah waxaa lagu wadaa in kulan saddex Geesood ah uu uga furmayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweyneyaasha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Kulan oo ah mid hordhac u ah Shirka ay yeelanayan Madaxda ayaa waxaa looga hadli doonaa sidii xal looga gaadhi lahaa Khilaafyada muddooyinkii dambe ka dhex jiray Madaxweyne Farmaajo, Madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Puntland.

Sidoo kale kulankaas ayaa waxaa looga arrisan doonaa sidii uu u furmi lahaa Shirka ay yeelanayan Madaxda iyo Ajendayaasha looga hadli doono, iyadoo dhawaan uu dib u dhac uu ku yimid shirkaas.

Axmed Madoobe ayaa shuruud ku xidhay kulanka isaga, Saciid Deni iyo Farmaajo, isago dalbaday in Dowladda Federaalka Soomaaliya ciidamada ay geysay Gedo ka soo saarto, Jubbaland dib gacantooda loogu soo celiyo Maamulidda Gobolka Gedo.

Madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe oo xalay kulan yeeshay ayaa Arrinta Gobolka Gedo ka gaadhay is faham hordhac ah, iyagoo u saaray Guddi min hal xubnood oo ka shaqeynaya qaabka Farsamo ee xal looga gaadhi lahaa arrinta Gobolka Gedo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this