Sign in to follow this  
Deeq A.

Webiga Shabelle oo fatahaad hor leh ka geystay degmada Mahadaay

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada Degmada Mahaddaay, Saalax Fuleel Xaaji ayaa warbaahinta u sheegay in Degmada gebi ahaanba ay ka go’day jidadka soo gala.

Saalax Fuleel ayaa sheegay in dhul aad u baaxad weyn oo Beero ah ay goysay fatahaadda Webiga, wuxuuna hay’adaha ku shaqada leh ugu baaqay in ay gurmad lasoo gaaraan Dadka ay saameysay fatahaadda.

Sidoo kale wuxuu intaa ku daray in Dadka ka yimaadda meelaha ka baxsan Degmada ay biyaha lug ku soo jiiraan maadaama aysan Gawaaridu sahal ku geli karin, inkastoo haatan uu sheegay in ay sii yaraanayaan Biyahaan ka dhashay fatahaada webiga.

Ugu damgbeyn guddoomiyaha ayaa sheegay in maamulka HirShabelle iyo hay’adaha gargaarkuba aysan wax gurmad ah gaarsiin Degmada Mahadaay, kuwaas oo wajaheya xaalado kala duwan oo ka dhashay fatahaadda Webiga Shabeelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this