Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Siciid Deni khudbad xasaasi ah ka jeediyey aqalka sare

Recommended Posts

Deeq A.   

Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta warbixin dhinacyo badan taabaneysa la wadaagay golaha aqalka sare.

Ugu horreyn Madaxweyne Deni ayaa ka faah faahin ka bixiyey u jeedka safarka uu ku yimid magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay inuu yimid dan Soomaaliyeed iyo xal mideysan laga gaaro khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka, gaar ahaan doorashada.

“Wixii Dhuusamarreeb ka soo baxay ayaan wadahalkood u nimid, Madaxweyne Farmaajo habeen hore ayaan wada cashaynay, waana ballan sannahay, intay doonto ha qaadatee waxaan halkan u joogaynaa dan Soomaaliyeed,Soomaali wax ay isku khilaafka karto ani iima muuqdaan, Al-Shabaab maahee cid kale horusocodka dalka Soomaaliyeed ma diidi karto, waxkasta oo Soomaali dan u ah Puntland diyaar bay u tahay” ayuu yiri Siciid Deni

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay muhiim tahay in la dhowro sharciga, lagana wada-hadalo waxkasto oo caqabad ah, si loo gaaro heshiis dhameystiran.

“Waxa aan annaga xili walba dhowreynaa waxa lagu heshiiyay, waxa qabyada ahna laga doodo, maalinta laga heshiiyana noqdo sharci, cidwalba ka sarreeya oo in la ixtiraamo tahay, waxaan rabnaa in dowladnimada lagu dhaqmo” ayuu sii raaciyey Siciid Deni.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa ah mid cakiran, waxaana dib u dhac uu ku yimid shirka dowladda, Puntland iyo Jubbaland, kaas oo lagu waday in xalay uu furmo.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:

FB_IMG_1599138877821.jpg FB_IMG_1599138875685.jpg FB_IMG_1599138869958-1.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this