Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab iyo AMISOM oo ku dagaalamay gobolka Sh/Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamada AMISOM iyo Al-Shabaab ay ku dagalaameen qeybo ka mid ah gobolkaasi.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada Uganda ay ku leeyihiin deegaanka Xaaji Cali oo hoostaga degmada Cadale, waxaana xigay iska hor imaad toos ah oo dhex-maray labada dhinac.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in dadagaalka uu ka dhashay khasaare kala duwan, balse lama oga inta uu gaarsiisan yahay.

Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay dhaq-dhaqaaqyo cusub ka bilaabeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhexe.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this