Sign in to follow this  
Deeq A.

Dib u dhac ku yimid furitaanka shirka DF, Jubbaland iyo Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa dib u dhac uu ku yimid furitaanka shirka dowladda dhexe, Jubbaland iyo Puntland oo lagu waday inuu xalay ka furmo gudaha magaalada Muqdisho.

Wararka qaar ayaa sheegaya in la’isku fahmi waayey in wada-hadallada lagu soo daro ajande gaar ah oo uu wato Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa la sheegay inuu doonayo in ciidamada dowladda laga soo saaro gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa haddii uu furmo waxaa diirada lagu saari doonaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this