Sign in to follow this  
Deeq A.

QM oo shir u qabaneyso DF Soomaaliya iyo maamul goboleedyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaramada Midoobay ayaa shaacisay inay kulan heer sare ah u qabandoonto Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda federalka Soomaaliya, kulankaas oo loogu tala galay sanadguuradii 75aad ee 21 Sebtember oo ku astaysan maalinta nabada adduunka.

Kulankaan ayaa hoggaamiyeyaasha adduunku oo qeyb ka yihiin hoggaamiyayasha Soomaaliyeed, waxay aqbali doonaan bayaan siyaasadeed oo ku saabsan Mustaqbalka waxa la doonayo in la qabto.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay inay u baahan nahay dib u xaqiijinta ballanqaadkeed wadajirka ah ee dhinacyada badan.

“Waxaa jiri doona kulan heer sare ah oo ay yeelanayaan Madaxda Dowladaha iyo Xukuumadaha oo loo qoondeeyay in lagu maamuso sanadguuradii 75aad 21ka Sebtembar. Dhacdadan, madaxda adduunku waxay isla qaadan doonaan bayaan siyaasadeed oo hor u socd ah oo ku saabsan ‘Mustaqbalka aan dooneyno, Qaramada Midoobay ee aan u baahannahay: annagoo dib u xaqiijinayna ballanqaadkeena wadajirka ah ee iskaashiga dhinacyada badan” ayaa lagu yiri qoraalka qaramada Midoobay.

Wada hadalkani ay ku baaqday Qaramada Midoobay, ayaa kusoo aadaya xilli ay dowladda federalka ku baaqday in dib u eegis lagu sameeyo waxqabadka xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Kadib markii ay ku eedeeyeen inay yar yahay taageeradiisa siyaasadeed iyo horumineed ee dowlad dhisida Soomaaliya.

Dowladda Federaalka iyo xafiiska UN-ka ee Soomaaliya ayaa la filayaa inay isla qeexaan mudnaanta howlaha shanta sano ee soo socota iyadoo qayb ka ah Qaab-dhismeedka Iskaashiga 2021-2025.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this