Sign in to follow this  
Deeq A.

Madixii Amniga Qaranka Suuriya Iyo Taliyeyaal Kale Oo Duqeyn Lagu Dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Dimishiq)-Saraakiil sar-sare oo ka tirsan Ciidanka Millateriga Suuriya iyo Jennaraalo ka tirsan kacaanka Iraan ayaa lagu dilay duqeyn ay fuliyeen Diyaaradaha Dagaalka Israa’iil ee F35 ee aanu Raadaarku qaban karin, waxaana lasoo shegayaa in uu jiro khasaare xooggan oo gaadhay Sarakiisha iyo Ciidamada la duqeeyay.

Duqeynta ay aka dhacday sida la sheegay Meel u dhaw Garoonka Diyaaradaha ee Caasimadda dalka Suurya ee Dimishiq, halkaasoo ay ku sugnaayeen Mas’uuliyiinta duqeynta lagu dilay.

Wararku waxa ay sheegayaan in mas’uuliyiinta la dilay ay ku jireen Madixii Xafiiska Amniga Qaranka Suurya Jeneral Cali Mamluuk iyo Taliyihii Guutadda Quddus ee Ciiddanka Ilaaladda Kacaanka Iiraan Jeneral Ismaaciil Qaani.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this