Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe iyo Deni oo lagu soo dhoweeyey Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa goor dhow soo gaaray magaalada Muqdisho, iyaga oo ka soo kala kicitimay magaalooyinka Kismaayo iyo Garoowe.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, wasiiro, xildhibaano iyo qeybaha kala duwan ee bulashada ayaa ku soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Axmed Madoobe iyo Deni ayaa magaalada Muqdisho wada-hadallo kula yeelan doono Madaxweynaha Soomaaliya, iyaga oo ka arrinsa doono doorashooyinka 2020/21.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyadoona inta badan la xiray jidadka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this