Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
2.jpg?resize=720%2C480&ssl=1

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug, Cali Daahir Ciid ayaa Muqdisho kula kulmay, Safirka Dowlada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Ben Fender.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay, sare u qaadida Mashaaricda hormarineed, oo ay hay’addaha UK ka wadan degaannada Dowlad Goboleedka Galmudug .

Ambasador Ben Fender, Safiirka UK ee Soomaaliya, ayaa hogaanka Dowlad Goboleedka Galmudug ku amaanay shaqada ay qabteen  muddadii ay xilka hayeen, wuxuuna balan-qaaday in UK ay si dhow ula shaqayn doonto Maamulkaas.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, oo maalmahan ku sugan magaalada muqdisho, ayaa waxana u kulamo kula leeyahay xubno ka socday beesha Caalamka, kuwaasi oo diirada lagu Sarayay in hay’addaha hormarinta Caalamka in ay xarumo ka sameystaan Galmudug, si ay uga qayb-qaataan hormarada ka socdo degaanka.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo la kulmay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this