Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynihii Hore Ee Hindiya Oo Geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Delhi)-Madaxweynihii hore ee Hindiya, Pranab Mukherjee, ayaa geeriyooday 21 maalmood kadib markii la xaqiijiyay inuu qaaday Fayraska Korona.

84 jirkan ayaa cisbitaalka la dhigay si looga qalo xinjir lagu arkay maskaxdiisa, waxaana laga baadhay oo laga helay cudurka safmarka ah.

Ka hor inta aanu madaxweynaha ka noqon Hindiya 2012 illaa 2017, ayaa Mr Mukherjee waxa uu soo qabtay xilal kala duwan 51-kii sanno ee uu ku jiray siyaasadda waddankaasi.

Xilkaasi waxaa kamid ahaa wasiirrada maaliyadda, arrimaha dibedda iyo gaashaandhigga.

Ra’iisal wasaaraha Hindiya, Narendra Modi, ayaa madaxweynaha geeriyooda ku tilmaamay nin “waxqabad muuqda uga tegay horumarka dalkiisa”.

“Waxa uu ahaa aqoonyahan, hogaamiye la dugsado, waxaana laga jeclaa dhammaan dhinacyada siyasadda iyo guud ahaan bulshadeena,” ayuu Mr Modi ku qoray bartiisa Twitter.

Xilka madaxweynaha Hindiya ayaa sida caadiga ah mid aan awood badan wadan, balse waxa uu muhiim noqdaa marka ay doorashooyinka horseedaan in la waayo xisbi si buuxda aqlabiyad u helay. Kolkaas, madaxweynaya ayaa go’aan ka gaadha xisbiga soo dhisaya xukuumadda.

Mr Mukherjee ayaan fursaddaasi helin inta uu madaxweynaha ahaa, maadaama lagu kala adkaaday doorashada. Balse waxa uu awooddiisa ku muujiyay dhinacyo kale, sida inuu diiday cafis u fidinta dhowr qof oo dil lagu xukumay.

Inta badan waayihiisa siyaasadeed waxa uu ku qaatay xisbiga Congress Party kaasoo sanado badan hogaanka u hayay Hindiya ka hor inta aanu guuldarooyin is xiga kala kulmin sanadihii 2014 iyo 2019 xisbiga Bharatiya Janata Party (BJP) ee ra’iisal wasaare Modi.

Mr Mukherjee ayaa xisbigaasi ku biiray 1960-maadkii xilligaasi oo uu talada hayay ra’iisal wasaare Indira Gandhi, kaasoo uu ku tilmaamay ninka uu ku dayan jiray.

Markii 2012 loo magacaabay xilka madaxweynaha, dadka badankiis waxa ay u arkayeen inuu yahay siyaasiga ugu khibradda badan ee xilkaasi qabtay.

Intii uu madaxweynaha ahaa waxa uu diiday 18 hindse sharciyeed loo gudbiyay si uu u saxiixo. Sida caadiga ah, madaxweynayaasha Hindiya ma diidaan hindise sharciyeedka u baahan saxiixooda.

Sidoo kale waxa uu qaadacay 30 codsi cafis ah oo uga yimid dad ku xukunnaa dil, taasoo ah tirada ugu badan ee uu diiday madaxweyne Hindi ah.

Sidaa awgeed, waxaa xukun dil ah lagu fuliyay Afzal Guru oo lagu helay inuu ku lug lahaa weerar 2001 lagu qaaday baarlamaanka Hindiya, Yakub Memon oo lagu helay inuu maalgaliyay weerar argagixiso oo Mumbai ka dhacay 1993 iyo Ajmal Kasab oo kamid ahaa dableydii 2008 weerarrada ka fulisay Mumbia.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this