Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska UK Oo Madaxiisa Dul-dhigay Lacag Muwaadin Soomaali British Ah Oo Lagu Magacaabo Cabdi Cali

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-London)-Booliska UK ayaa madaxiisa dul dhigay lacag muwaadin Somali British ah oo laba sanno ah baadi goob loogu jiray, kaasoo lala xidhiidhiyay dil ka dhacay magaalada Cleethorpes.

Abdi Ali oo leh magacyo kala duwan sida Madman, Madders ama Gulaid ayaa lala xidhiidhiyay inuu qeyb ku lahaa dil 2018 lagu khaarijiyay Shaun Lyall, 47-jir, meydkiisana laga dhex-helay guri uu ku noolaa bishii July, 2018-kii. Ciidammada booliskana waxay xaqiijiyeen in jidhkiisa ay ka muuqdeen dhaawacyo gaadhaya 170.

Afhayeen u hadlay booliska ayaa ku dhawaaqay in lacag dhan $6,666 la siin doono qofkii keena xog ku saabsan soo qabashada Abdi Ali.

Kiiskan waxaa hore xabsi daa’in loogu xukumay Craig Whittle oo lagu waramay in ay fal-dambiyeedka isla geysteen, isla markana biqiyay xogta ku saabsan Abdi Ali.

Booliska ayaa soo bandhigay astamaha lagu garan karo Abdi Ali oo leh Ilkahiisa hore dahab, wuxuuna badi adeegsadaa magacyadda Madman, Madders ama Gulaid”.

Haddii gacanta lagu dhigo Abdi Ali ayaa wuxuu waajahi karaa xabsi daa’in cimrigaa haku furto ah.

Muwaadinkaan Somali Britishka ah ayaa wuxuu ka tirsan yahay koox dilaayaal ah isla markaana derogada Saxaafadda Britain ayaa warisay in Cabdi Cali uu ka tirsan yahay koox budhcad ah oo ciidamadda Cleethorpes aad u doon-doonayaan.

Fal-dambiyeedyadda ay kamid yihiin dhaca iyo dilalka loo adeegsado Tooreyda ayaa ku badan gudaha Ingiriiska, iyaddoo qaarkood ay ku lug-yeeshaan dhalinyaro Soomaali ah, kuwaasoo xukuno culus lagu rido.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this