Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni iyo Madoobe oo La Kulmaya Beesha Caalamka Kahor Kulanka Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar aanu ka helnayo safarka ay Muqdisho ku imaanayaan saacadaha soo socda madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbanad Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa sheegaya in marka ay Muqdisho yimaadaan uu jadwalka shaqo ugu  horeeyo la kulankooda  beesha caalamka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ay beesha caalamka iyo labada madaxweyne ay ku kulmi doonaan Airportiga Aden cadde ee gudaha caasimadda Muqdisho.

Kulankan ayey geli doonaan kahor inta aaney la kulmin Farmaajo si ay ugala hadlaan doorashada 2020/2021 iyo natiijada shirkii Dhuusamareeb 3.

Ilo la socda madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaa Goobjoog News u sheegay in labada mas’uul ay dood ka qabaan qodobo ka mid Dhuusamareeb 3, una baahanyihiin wax ka badal iyo dib u habeyn.

Ma cada in labadooda, waa Deni iyo Madoobee ay hal mar la kulmi doonaan iyo iney midba mar la kulmayaan beesha caalamka.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this