Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaar ka mid ah waddooyinka Muqdisho oo saaka la xiray + Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa saaka inta badan xiran waddooyinka muhiimka u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka ee M/Muqdisho, iyadoona ciidamada dheeraad ah la dhigay jidadkaasi.

Ciidadama ammaanka, gaar ahaan kuwa Booliiska Soomaaliyeed ayaa gebi ahaanba gaadiidka u diidaya inay maraan waddooyinka qaar, waxaana ka mid ah jidadka saaka xiran qeybo ka mid ah waddada dheer ee Makka Al-Mukarrama, tan Wadnaha iyo kuwa ku dhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo sidoo kale xarunta madaxtooyada Somalia.

Sababta loo xiray dhammaan waddooyinkaasi ayaa waxaa lagu sheegay imaashiyaha Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo maanta ku soo wahan M/Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa inta badan xirta waddooyinka muhiimka ah, marka ay shirar waa-weyn dhacayaan ama wafdi culus uu imaanayo magaalada Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this