Sign in to follow this  
Deeq A.

Meelo badan oo laga cambaareeyay dhacdooyinkii Sweden iyo Norway ee kitaabka qur`aanka lagu wax-yeeleeyay+Haweenaydii Jeex-jeexday oo lala cararay

Recommended Posts

Deeq A.   

Meelo badan oo laga cambaareeyay dhacdooyinkii Sweden iyo Norway ee kitaabka qur`aanka lagu wax-yeeleeyay+Haweenaydii Jeex-jeexday oo lala cararay

kutabjex.jpg

Fanny Bråten oo kitaabka jeexjeexeysa

Ururka Iskaashiga Islaamka ee (OIC) ayaa cambaareeyay dhacdooyinkii dalalka Sweden iyo Norway ka dhacay maalin ka hor ee kitaabo qur`aanka ka lagu gubay. lana jeex-jeexay.

Muqul ka mid ah kitaabka Qur`aanka ayaa lagu gubay magaalada koofurta dalka Sweden ku taalla ee Malmo, waxaana sidoo kale lagu jeexjeexay kitaab qur`aan caasimadda Oslo ee dalka Norway

Warbixin uu soo saaray ururka oo fadhigiisu yahay magaalada Jiddah ayaa lagu sheegay in falka gubitaanka kitaabka uu yahay “fal kicin ah” uuna “ka hor imaanayo dadaallada caalamiga ah ee lagula dagaallamayo cunsurinimada iyo kicinta nacaybka ku saleysan diinta”.

Taageerayaasha hoggaamiyaha cunsuriga ah ee Denmark u dhashay Rasmus Paludan ayaa jimcihii Malmo ku gubay nuqul kitaab Qur`aan ah.

Sidoo kale maalinimadii Sabtida, dibedbax ka dhacay magaalada Oslo ayaa xubin ka mid ah ururka SIAN ku jeex-jeexday baalal ka mid ah kutubka qur`aanka, ayna candhuuf ku tuftay iyadoona ugu dambeyn ku tuurtay dhanka dibadbaxayaashii kasoo horjeeday.

osloqas.jpgBooliska Norway oo la cararaya haweeneydii kitaabka jeexjeexday.

Haweeneydan falkan lagu bahdilay kitaabka sameysay ayaa lagu magacaabaa Fanny Bråten, waxaana mar qudha la cararay booliska kadib markii ay eryadeen dibedbaxayaal cadheysan oo dhaawacyo fudud u geystay.

Isu soo bax ay sameeyeen muslimiinta ku nool labadaasi dal ayaa waxaa hareeyay rabshado, lagu dhaawacay dhowr sarkaal oo booliiska ka tirsan, iyadoo tobannaan qof ayaa lagu xidhay isu soo baxyadaas.

Booliiska ayaa sidoo kale muddo labo sano ah ka mamnuucay Paludan inuu Sweden soo galo.

Ururka OIC ayaa soo dhoweeyay tallaabada uu qaaday booliiska Sweden.

Dhanka kale, Pakistan ayaa si xooggan u cambaareysay falkaasi lagu gubay nuqul ka mid ah kitaabka Qur`aanka.

Afhayeen u hadlay Pakistan ayaa sheegay in dhacdooyinka ku saleysan nacaybka Islaamka ee meelo badan ka dhacaya ay ka hor imaanayaan shurcuuda diin walba.

kutabjex1.jpgFanny Bråten oo kutaabka jeexjeexeysa kutanjex2.jpg

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this