Sign in to follow this  
Deeq A.

Wargeys ka fashifay xiriirka hoose ee ka dhexeeya Fahad Yaasiin iyo Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   
Fahad.jpg?resize=640%2C437&ssl=1

Wargeyska lagu magacaabo The National Interest, oo ka soo baxa Waddanka Maraykanka, ayaa Isniintii Shalay warbixin ka qoray Xiriirka ka dhexeeya Taliyaha hay’adda Nabad Sugidda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee NISA Fahad Yaasiin iyo Kooxaha Argagixisada ah.

Wargeyska ayaa sheegay, in Taliyaha NISA uu xiriir hoose la leeyahay Kooxda Al-shabaab ee ku xiran ururka Al-Qaacida, kuwaas oo falal argagixiso ka fuliya gudaha Soomaaliya, islamarkaana halis weyn ku ah Amniga Qaranka  Maraykanka.

The National Interest, wuxuu tilmaamay in Taliyaha NISA Fahad Yaasiin uu si gaar ah u caawiyo maxaabiista laga qabto Al-shabaab iyo kooxaha lamidka ah, kuwaas oo uu qaarkood sii daayo, qaar kalena u fududeeyo in ay Xabsiga dhexdiisa Bulshada uga gudbiyaan fikirka iyo mabaadi’da Argagixisada.

Wargeysku wuxu tusaale u soo qaatay Wadaadka Xasan Daahir Aweys, oo u xiran Dowladda Soomaaliya, kaas oo uu sheegay in uu afkaartiisa iyo mabaadi’diisa Xagjirka ah ka dhex gudbiyo Xabsiga, kadib markii loo dhammaystiray Agabka Isgaarsiinta ee kala duwan.

Xasan Daahir, waxa helidda Agabkaasi ka caawiyay Fahad Yaasiin, oo ay saaxiibo dhow yihiin, waxaana wadaadku hadda si fudud halkaasi Bulshada uga gudbiya fikirkiisa Xagjirka ah ee ku salaysan dilalka iyo isqarxinta sida wargeysku xusay.

Todobaadkii hore, Muuqaal laga soo duubay Xasan Daahir Aweys, wuxuu si adag u cambaareeyay dilka hoggaamiye sare oo ka tirsan Al-shabaab, kaas oo lagu magacaabi jiray Cabdulqaadir Kumaandoos, oo ku dhintay duqayn Maraykanku ka fuliyay Koonfurta Soomaaliya.

Mr. Aways oo u xiran falal argagixisanimo, wuxuu sidoo kale Maraykanka ka dalbaday in uu raalli-gelin iyo magdhow deg deg ah ka bixiyo dilka hoggaamiye Kumaandoos, isagoo ku hanjabay dilkiisa laga bixin doono jawaab qaraar.

PUNTLAND POST

The post Wargeys ka fashifay xiriirka hoose ee ka dhexeeya Fahad Yaasiin iyo Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this