Sign in to follow this  
Deeq A.

Geesiyaal Xaq u dirir ah oo ay Waajib tahay inaynu dhamaanteen garab istaagno!

Recommended Posts

Deeq A.   

DR-300x249.jpeg
Askari1-180x300.jpeg
BarkhadBatuuni-244x300.jpeg

In badan ayay u Rabbi tuugayeen oo ay naawilayeen bulshada la Hayb sooco ee Gabooyuhu inay helaan Geesiyaal u kaca oo ay bidhaansadaan oo hormuud u noqda ka dhiidhiga iyo ka dagaalanka Dulmiga, Cadaalad darrada iyo gooni u sooca dulmiga ku dhisan ee lagu hayay Bulshadaas sharafta badan ee Gabooye boqolaalkii sanadood ee aynu soo dhaafnay.

Wasiir Mahdi Cismaan Buuri, Garyaqaan Barkhad Jaamac iyo Garyaqaan Cumar Goodaad waxay hormuud u yihiin sidii ay Bulshada ay ka soo jeedaan u heli lahayd Xaq iyo Xuquuq la siman ta ay haystaan Muwaadiniinta kale ee Somaliland, Xuquuq Shaqo, Waxbarasho, Caafimaad iyo higsi nololeed oo ka fayow yasid iyo faquuqid.

Bulshada Gabooye oo ah bulsho aad u sharaf badan oo isku kalsoon waxay udub dhexaad kaga jiraan horumarinta dhaqaalaha Dalka iyaga oo tusaale u ah isku filaanshaha Qoysnimo iyo Qofnimo ee uu qof wal oo bulshadaas ka mid ahi la soo baxo quruskiisa oo xalaal ah iyaga oo aan cidna sacabada hoos dhigan oo sharfan.

Dulmiga ku gedaaman Beeshaas Gabooye maaha mid qoraal keliya lagu soo koobi karo, waxaana tusaale cad aynu usoo qaadan karnaa Dulmiga Golayaasha Deegaan iyo Baarlamaanka oo ay beeshaasi ka arradan tahay.

Tusaale ahaan Golaha Deegaanka ee Caasimada Hargeysa oo ka kooban 25 Xubnood ma jirto xubin keliya oo ay beeshaasi ku leedahay golahaas inaga oo ka war hayna in Caasimada Hargeysa ay tahay deegaanka ugu badan ee ay Beeshaasi degto, sidoo kale ma jirto Xildhibaan keliya oo ay beeshaasi ku leedahay Baarlamaanka Somaliland, xataa ma jiro Wasiir buuxa oo ay Beeshaasi waligeed ku yeelatay Golaha Wasiirrada Somaliland marka laga reebo Wasiir ku Xigeen uu imika xilkiisa Mudane Mahdi Cismaan Buuri, ma jiro Badhasaab ama xataa badhasaab ku xigeen ay Beeshaasi ku leedahay gobolada Dalka.

Halganka ay hormuudka ka yihiin saddexdan Geesi ee Mahdi, Barkhad Iyo Cumar maaha mid ka turjumaya aragti Xisbiyaysan oo Wadaniyaysan, Kulmiyaysan ama Ucidaysan, balse waa aragti bulsho oo iyo halgan bilaw ah oo ay kaga wakiil yihiin Ummadooda iyo damiirka qof kasta oo raba Wanaaga Ummada Somaliland si loo suuliyo Dulmiga, Takoorka iyo Faquuqa lagu hayo Beelaha Gabooye ee Geesiyaasha ah.

Waxaan uga digaynaa cid kasta oo dhib u geysta ama fal-dambiyeed Kula kacda ama ka hortimaada Xaqa iyo Xuquuqda ay Musuuliyiinta ka soo jeeda Beelaha Gabooye u leeyihiin inay ummadooda u hadlaan una doodaan, in Sharciga lala tiigsan doono magacyadoodana aanu u gudbin doono Hay’adaha iyo Dawladaha Caalamka oo si wayn isha ugu haya ilaalinta Xuquuqda aadanaha.

Ugu danbayn waxaan usoo jeedinayaa shacbiga reer Somaliland inay is garab taagaan oo ay Hiil iyo Hoo la garab istaagaan sidii Beelaha Gabooye ay u heli lahaayeen Xaq iyo Xuquuq la siman ta ay haystaan Bulashada kale ee reer Somaliland.

Taas ayaan ku gaadhi karnaa Somaliland oo Horumarta, Barwaaqaysan oo ay ummadeedu farxad ku naalooto.

Amb Kaysar Cabdillaahi Maxamed
Bristol. UK
kaysar@diplomats.com

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this