Sign in to follow this  
Deeq A.

Aabe wiilkiisa ku dilay magaalada Jowhar oo la soo bandhigay

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska ciidamada Booliiska Jowhar ayaa maanta magaaladaasi ku soo bandhigay Aabe habeen hore wiilkiisa ku riday webiga Shabelle, kadibna la soo qabtay.

Aabaha oo lagu magacaabo, Muxumed Dhaayow oo ay haatan gacanta ku hayaan ciidanka ammaanka ayaa ka hadlay sababta ku kaliftay inuu wabiga ku tuuro wiilkiisa, wuxuu sheegay in uu bartay waxyaabaha maanka dooriya, sidoo kalana uu naftiisa kala cabsaday.

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in dhowr jeer uu dhibaato u geystay dadka daris ah, islamarkaana uu maare u waayey.

Dhacdadan oo ay si weyn uga argagaxeen dadka deegaanka ayaa si aad ah looga hadal hayaa magaalada Jowhar, waxaana weli socda baaritaano ay wadaan laamaha amniga.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this