Sign in to follow this  
Deeq A.

Aabehii wiilkiisa wabiga ku tuuray oo sharxay sababta ku kaliftay falkan argagaxa leh

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online) – Aabe wiilkiisa ku dilay magaalada Jowhar ayaa sharraxay sababta ku kaliftay inuu geysto falkaan argagaxa leh xilli uu gacanta ugu jiro ciidanka Booliska magaalada Jowhar.

Muxumed Dhaayow Aadan oo ay gacanta ku hayaan ciidanka booliska ayaa sharraxay sababta ku kaliftay inuu wabiga ku tuuro wiilkiisa oo lugaha iyo gacmaha ka xiran.

Aabaha wuxuu sheegay in wiilkiisa uu bartay waxyaabaha maanka dooriya, sidoo kalana uu naftiisa kala cabsaday.

“Waan qabtay waan xir-xiray kadibna wabiga ayaan ku tuuray, waxa igu kalifay inaan dilo waxey tahay wuxuu noqday cabtooy, wuxuu halis galiyay nafteyda iyo maalkeyga, 9 sac oo mid irmaan ah ku jirto ayuu iga qashay, dariska wuu ka dhameeyay xoolahii, wax uu dhaafaayo maba jirin, waan daalay, sidii aan hanti uga gudaayay, markii dambe wuxuu bilaabay af xumo iyo waan ku tumaa, habeen hore ayaan qabtay, waan xir-xiray, wabiga ayaana ku tuuray” ayuu yiri Muxumed Dhaayow.

Waa markii labaad oo ay magaalada Jowhar marqaati u noqoto aabe dilay wiilkiisa, dhawaan ayey aheyd markii aabe uu wiilkiisa oo 14-jir ah gowracay.

Wiilka wabiga lagu riday waxaa da’diisa lagu sheegay 20-jir.

The post Aabehii wiilkiisa wabiga ku tuuray oo sharxay sababta ku kaliftay falkan argagaxa leh first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this