Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo Muqdisho ‘ka daabuleysa’ odayaashii soo xulay ergooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore Sirdoonka qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay in Al-Shabaab ay odayaashii soo xulay ergadii dooratay xildhibaanada hadda jooga ee baarlamaanka ka daad-gureyneyso magaalada Muqdisho.

Sanbaloolshe oo si weyn uga soo horjeeda madaxda talada heysa kana tirsan xisbiga Nabdda iyo Horumarka ayaa ka walaacsan, sida uu hadalka u dhigay, doorka ay kooxaha argagixisada ku yeelan karaan codeynta soo aadan.

Sidoo kale wuxuu si weyn uga soo horjeedaa hanaanka deegaan doorasho, wuxuuna aad uga baqayaa in xarakada Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida ay xubno ku yeeshaan baarlamaanka soo socda.

“Sideedaba doorashada waxey ka dhici kartaa meel ay AMISOM joogto marka laga reebo deegaanada Puntland iyo qeybo ka mid ah Galmudug, suuragalna maahan in gobol kasta ay afar meel ka joogaan AMISOM, sidaad la socoto Al-Shabaab ra’yi kama heysan doorashadii 2016, geedi u socodkeeda, sida loo dhisay iyo natiijadii kasoo baxday, hadda wax walba wey fahamsan yahiin, waad la socotaa ergooyinkii 2016 dhamaantood waa loo yeeray, todobaadyadii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho waxaa laga daabulayay odayaal, sidee doorasho aysan sameyn ku laheyn Al-Shabaab loo qaban karaa,” ayuu yiri Sanbaloolshe oo fadhiyay TV-ga Somali Cable.

Ugu dambeyntii Sanbaloolshe wuxuu aaminsan yahay hadii doorashada sida hadda loo wado ay u dhacdo aysan dowladda soo socota ka marnaan doonin Al-Shabaab dhan walba, hadey noqoto xagga siyaasadda, ammaanka iyo farsamo ahaan intaba.

The post Al-Shabaab oo Muqdisho 'ka daabuleysa' odayaashii soo xulay ergooyinka first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this