Sign in to follow this  
Deeq A.

Gaalkacyo: Muran ka taagnaa Diiwaan-gelinta Ciidamada Puntland oo la xalliyay

Recommended Posts

Deeq A.   
ABGAALO.jpg?resize=960%2C934&ssl=1

Guddiga Dib u-habaynta Ciidamada Puntland ,oo uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda Xassan Shire Abgaal, ayaa Maanta ku guulaystay Xallinta muran ka taagnaa Diiwaan-gelinta Ciidamo ku sugan Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Guddiga oo maalmihii u dambeeyay kulamo kala duwan la qaadanayay Saraakiisha Ciidamada iyo Odayaasha Dhaqanka Gaalkacyo, ayaa ugu dambayntii ku guulaystay in la qanciyo Saraakiisha qaar oo diiddanaa Diiwaan-gelinta Ciidamada.

Labada dhinac, ayaa isku raacay in dhammaan Ciidamada ku sugan Gobolka Mudug, gaar ahaanna Magaalada Gaalkacyo, ay maraan Hannaanka Diiwaan-gelinta iyo Tirakoobka Ciidamada, waxaana Wasiirka Maaliyaddu ballan-qaaday in ay Mushaharka iyo Xuquuqdooda si joogto ah u heli doonaan.

Barnaamijka Diiwaan-gelinta iyo Tirakoobka Casriga ah ee Ciidamada Puntland, oo soo bilowday horraantii sannadkii tegay ee 2019, ayaa la mariyay Ciidamada Puntland ee ku sugan  Gobollada kala duwan, waxaana uu haatan ka socdaa Gobolka Mudug.

PUNTLAND POST

The post Gaalkacyo: Muran ka taagnaa Diiwaan-gelinta Ciidamada Puntland oo la xalliyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this