Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga WADDANI Oo Si Adag Xukumadda Ugu Dhalliilay Xannibaadda Ay Xukuumadu Saartay Shirkadaha FLY Dubai, Air Al-arabiya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI Mudane Khadar Xuseen Cabdi ayaa si qoto dheer uga hadlay dayaca jidadka Hargeysa iyo adeeg xumada dawladda hoose waxaanu bulshada reer Hargeysa ku boorriyay in ay ka fiirsadaan dadka ay dooranayaan.

Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI waxa uu ka digay in hay’addaha dawladdu dano gaar ah u adeegsadaan furfurnaanta ganacsiga ee dalka islamarkaana aan dad gaar ah loogu xidhin kooto adeegyada taas oo curyaaminaysa dhaqaalaha. Waxa uu sheegay in shirkadaha Air Arabia iyo FLY Dubai oo xukumaddu kala noqotay ruqsada ay saamayntoodu taabatay bulshada, islamarkaana dad badan oo tigidho ka haystay ku xaniban yihiin meelo badan oo Dunida ah.

“Dad sideed kun (8000) oo qof gaadhaya oo tigidho ka haystay labadaa shirkadood (FLYDUBAI iyo AIR ARABIYA) ayaa meelo kala duwan oo Adduunka ah ku xaniban. Dadkaa waxa ka mid ah dad tag daran oo dhakhtarro tagay sida Hindiya iyo Turkiga oo markii dawladdoodii adeeg caafimaad u fidin wayday oo tahli wayday in xanuunada yar ee fudud dawadoodii iyo dhakhaatiirtii in ay u samayso ay ku kallifnaadeen in ay dalalkaas caafimaad u tagaan, dadkaas oo dalkooda ku soo noqon lahaa waxay u xaniban yihiin wax ay tigidh iskaga bixiyaan bay la yihiin, dawladdu xataa kama fikirayso dadkaa sidee baad dalkooda ugu soo celisaan, malaha madaxweynuhu ma dareemayo in dadka uu masuul ka yahay oo dadkiisii yihiin, waxa dadkaa ka mid ah dad masaariiftii ka go’day oo duruufta ay ku nool yihiin in ay dawarsadaan in yar u jira. Dawladnimadu dadkaa diyaarado gaar ah bay u diri lahayd oo way soo qaadi lahayd,” ayuu yidhi xoghaye Khadar.

“Shirkadihii isgaadhsiinta ee Waddankan dhismaha ay ka gaysteen iyo dhaqaalaha ay ku maalgaliyeen iyo inta qof ee ka shaqaysa iyo sida marka ay dhibaato timaaddo ay ugu gurmadaan aynu ognahay waxaynu marayna in wasaaraddu inta warqad u soo dirtay leedahay qalab ma soo iibsan kartaan ilaa amar dambe. Taas macnaheedu waxa weeye haddii maanta qalab ka jabo awood uma laha in ay soo iibsadaan, tusaale ahaan adeegga ZAAD qayb weyn buu ka yahay lacagta wareegaysa iyo dhaqaalaha Waddanka haddii maanta nidaamka uu ku shaqaynaya jabo awood uma leh ay ku soo iibsadaan, adeegga E-Dahab-na waa sida oo kale, taas lagama fikirayo, waana labada meelood ee lacagta Waddanku marto ee dhaqdhaqaaqa ganacsiga ugu badan dadku ka sameeyaan,” Sidaas ayuu yidhi xoghayaha xisbiga WADDANI.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this