Sign in to follow this  
Deeq A.

Buugaagta khilaafsan diinteena

Recommended Posts

Deeq A.   

Buugaagta khilaafsan diinteena
Maalmahan waxaa jirtay hadalhayn iyo cadho ka dhalatay buugaag la sheegay in ay ku qoran yihiin cutubyo (chapter) khilaafsan diinta iyo dhaqanka Islaamiga ah ama faafinaya diimo iyo aragtiyo aan waafaqsanayn diinta iyo dhaqanka Soomaaliyeed.
Marka lagga yimaado wararka baraha bulshada oo aan la sugi karin xaqiiqadooda hadaan ka duulo hadalkii Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee JSL waxaa ku cad in wax ka jiraan oo tusmada buug ay ka muuqato wax aan ku haboonayni, sidoo kale agaasimaha waaxda manaaijtuna waxa uu sheegay in layli ahaan (exercise book) loo isticmaalayay oo wixii anfacaya ardayda looga dhiggo.
Hadalada labada masuul waxaa inooga soo baxay:

1- in ay jiraan buugaagtani oo dalka la soo geliyay.
2- in iskuulada gaar ka loo leeyahay qaar ka midi u isticmaalaan wixii ardayda nafci u leh.
3- in ay ku qoran yihiin buugtaas wax ka hor imanaya diinteena
4- in gudi loo saaray lana xisaabtami doonaan ka wasaarad ahaan cidii danbigaa laggu helo.

Markaa waxaa muhiima in lays waydiiyo meeyay doorkii wasaaradda awqaafta oo ahayd in ay la socoto buugaagta iyo kutubta dalka soo gelaysa oo ay ahayd in wixii diinta saxa ah khilaafsan ama ka horimanaya ay joojiso.

Waxaan soo jeedin lahaa xoogga ha la saaro in lagala shaqeeyo dawladda in la abuuro hay’ad ama gud’di qaabilsan faaf reebka aqoonta iyo buugaagta dalka soo gelaysa iyo kuwa laggu dhigto iskuulada, macaahidda iyo malcaamadahaba.
Waxaa iyana u baahan in la shaandheeyo maktabadaha wax akhriska (libraries) oo la hubiyo in buugaagta taalaa aanay ka hor imanayn diinteena iyo dhaqankeena taa la’aanteedu waxay horseedi kartaa burbur iyo dhaawac soo gaadha diinta iyo dhaqanka ardayda, dhalinyarada iyo da’yarta u ooman aqoonta ee ka faaidaysanaysa maktabadahaas iyo goobaha aqoonta laggu kaydiyo.

Arinta in la xuso mudan waxaa soo if baxaya in dalka uu ka jirro olole xawli ku socda oo lagu faafinayo diinlaawanimada (Secularism,العلمانيه )
Ayadoo baraha bulshada iyo goobaha waxbarashadaba lagga soo sheegayo dad faafinaya fikirkaas, arintaasi waa arin masuuliyadeedu inna wada saarantahay una baahan in laggu baraarugo lalana dagaalamo oo la suuliyo iyadoo la adeegsanayo wacyigelin iyo sixidba, dawladda iyo hayadaha ay khusaysana looga baahan yahay in ay xil iska saaraan loo dabar tiri lahaa fikirkan, qofkii laggu helana ay tahay in lala tiigsado sharciga oo la mariyo ciqaabta uu mutaystay.

Waxaan qormadan ku soo afmeerayaa Soomalidu waxay tidhaahdaa “Ninkii seexdaa sacii dibi dhalay) arintu way ka sinno balaadhan tahay sida dadka qaarkii moodayaan waa duulaan qorshaysan oo ku socda da’yarta soo koraysa lehna ahdaaf iyo awood dabada ka riixaysa oo ay tahay in laga hortago layskana kaashado sidii loo badbaadin lahaa diinta iyo dhaqanka dhalinyarada iyo ubadka soo kacaya.

Q: Ahmed Abdulkadir Ahmed(Kayse)

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this