Sign in to follow this  
Deeq A.

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo gaaray Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa Maanta oo Isniin ah gaaray Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Mas’uulyiintaas waxa hoggaaminaya Wasiir ku xigeenka Duulista Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xirsi Rooble oo ay weheliyaan Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Axmed Macallin Xasan iyo xubno kale.

Sidoo kale waxa la socda quburo ajaanib ah oo hay’adda ka la shaqeeya Arrimaha Garoomada Dalka waxaana lagu wadaa in ay indho-indheyn ku sameeyaan xaaladda Garoonka Diyaaradaha Beledweyne ee Ugaas Khaliif.

PUNTLAND POST

The post Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo gaaray Beledweyne appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this