Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisal-wasaaraha Israel oo ka shifay Sir ku saabsan Wadahadalo Hoose oo ay la leeyihiin dalal …

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisal-wasaaraha Israel oo ka shifay Sir ku saabsan Wadahadalo Hoose oo ay la leeyihiin dalal …

Dowlada Mareykanka ayaa bilowday in qaar kamid ah Wadamada Carabta in ay ku cadaadiso in ay la heshiiyaan sidoo kale xiriir la sameestaan maamulka Yahuuda Isra’il oon wax xiriir ah kala dhaxeyn inta badan Wadamada Carabta iyo kuwa Islaamka.

Isra’il ayaana dhawana heshiis la gashay dowlada Imaaraadka Carabta waxaa sidoo kale hada wadahadalo qarsoodi ah kula jiraan qaar kamid ah Wadamada Carabta oo la filayo in dhawaan heshiis gaaraan.

Ra’iisul Wasaaraha maamulka Isra’il Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in uu jiro wadahallo qarsoodi ah oo maamulkiisa la leeyahay dhowr dal oo Carbeed kuwaa uu sheegay in ay cilaaqaad sameysanayaan.

“Waxaa jira shirar aan la shaacin oo Israel ay la yeelatay hoggaamiyeyaal Carab iyo Muslimiin ah oo lagu doonayo in lagu caadiyeeyo xiriirka ay la leeyihin Israel” ayuu yiri  Benjamin Netanyahu .

Dowlada Mareykanka ayaana kaalin weyn ku leh cadaadiska qaar kamid ah Wadamada Carabta lagu saarayo in xiriir la yeeshaan maamulka Isra’il, waxaa sidoo kale socda qorshe lagu soo celinayo duulimaadka Tooska ah ee Isra’il iyo qaar kamid ah wadamada Carabta.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this