Sign in to follow this  
Deeq A.

Qatar Airways Oo 3-jeer Todobaadkii Iman-doonta Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Qatar Airways ayaa saacadihii tagay ku dhawaaqday iney dib u bilaabi doonto duuliimaadyadeeda caasimadda Muqdisho.

Sida ay wararku sheegayaan, waxaa lagu wadaa in todobaadkii ay saddex jeer timaamo Muqdisho, waxaa uuna duulimaadka ugu horeeya bilaaban doonaan 06 September 2020.

Diyaaradda oo nooceedu yahay Airbus A320  ayaa mar walba iman doonta Soomaaliya, waxaana la sheegay in leeyahay 12 kursi oo Business class ah iyo 120 kursi oo Economy class ah.

Diyaraddan oo heshay abaalmarin calami ah ayaa qeyb ka ah duliimaadyada ay ku tageyso meelo badan oo Afrika ah sida Addis Ababa, Dar es Salaam, Djibouti, Kigali, Kilimanjaro, Nairobi, Tunis iyo Zanzibar.

Xiriirka Qatar iyo maamulka Farmaajo ayaa aad u wanaagsan, waana dalka keliya ee Khaliijka ah ee diyaaradiisu timaado Soomaaliya, lamana hubo in Qatar ay sii wadi-doonto adeegees Farmaajo kadib iyo in kale.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this