Sign in to follow this  
Deeq A.

Askari dil iyo dhaawac ka geystay Dhoobley oo gacanta lagu dhigay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Booliiska Jubbaland ayaa gacanta ku soo dhigay askari shalay gelinkii dambe dil iyo dhaawac ka geystay duleedka degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in askariga oo baxsad ahaa uu la dagaalamay ciidamada ammaanka, balse markii dambe isaga oo dhaawac ah la soo qabtay.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in afar qof oo kale ay ku dhaawacmeen is-rasaaseynta dhex-martay labada dhinac.

Taliyaha Booliska degmada Dhoobley oo u warramay Shabelle ayaa sheegay in haatan askariga baxsadka la dhigay isbitaalka magaaladaasi, si loogula tacaalo xaaladdiisa.

Ammaanka Dhoobley ayaa muddooyinkii la soo dhaafay si aad ah loo xoojiyey, waxaana howl-gallo baaritaano ah ka waday ciidamada Booliiska ee maamulka Jubbaland.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this